“Inaan u soo baxno Champions Leagu xilli ciyaareedka soo socda, waa wax anaga nagu xiran” – Unai Emery

(Yurub) 08 Abriil 2019. Tababare Unai Emery ayaa muujiyay aragtidiisa kaga aadan suurtagalnimada ay kaga dhameysan karto Gunners boosaska loogu soo gudbo tartanka Champions Leagu, xilli ciyaareedka soo socda.

Hadalka tababare Unai Emery ayaa yimid kadib guuldaradii 1-0 ahayd ay shalay kooxda Arsenal kala kulantay dhigeeda Everton, kulan ka tirsanaa horyaalka Premier League.

Gunners oo horey ugu jirtay booska 3-aad ayaa haatan u dhacday 4-aad, wuxuuna macalinka reer Spain sheegay kadib guuldaradan ay kala kulmeen Everton.

“Waan ogeyn in xaaladu ay adag tahay”.

“Waxaan luminay fursad weyn oo aan ku qaadan karnay seddexda dhibcood, balse sidoo kale waxaan heysanaa fursado badan ee ah kulamada soo socda, wax walba waxay ku xiran yihiin anaga iyo kooxda kale”.

“Waxaan u baahanahay inaan si joogta ah u ciyaarno kulamada soo socda isla markaana aan diirada saarno, hadii aan sameyno, waan ku guuleysan karnaa ujeedkeena”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close