Carlo Ancelotti oo fariin digniin ah u diray ciyaartoydiisa kooxda Napoli kahor kulanka Arsenal

(Yurub) 08 Abriil 2019. Macalinka reer Talyaani ee kooxda Napoli Carlo Ancelotti ayaa ka codsaday ciyaartoydiisa inay toosaan kahor kulanka ay kula ciyaari doonaan Arsenal tartanka Europa League.

Hadalka Carlo Ancelotti ayaa wuxuu imaanayaa kadib markii uu si weyn kaga carooday barbarihii 1-1 ahaa ay kula galeen Genoa kulan ka tirsnaa kulamada 31-aad ee horyaalka Serie A.

Yeelkadeeda, kooxda Napoli ayaa haatan isku diyaarineysa kulanka tartanka Europa League, kaasoo ay Arsenal ku booqan doonaan magaalada London.

Hadaba macalinka reer Talyaani ee kooxda Napoli Carlo Ancelotti ayaa ku wargaliyay ciyaartoydiisa inay diirada saaraan kulanka soo aadan ay la ciyaari doonaan Gunners-ka.

“Waxaan la kulmi doonaa dhibaato xoogan hadii aan ku ciyaarno kulanka soo aadan ee Arsenal, qaab ciyaareed la mid ah labadii kulan lasoo dhaafay ee aan soo ciyaarnay”.

“Waxaan heysanaa 4 maalmood si aan markale diirada u saarno u diyaar garoobida kulanka ka dhici doono magaalada London”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close