RASMI: Sokratis oo seegi doona labada kulan ee ku soo aaddan kooxdiisa Arsenal horyaalka Premier League

(Liverpool) 07 Abriil 2019. Ciyaaryahan Sokratis ayaa seegi doona labada kulan ee soo aaddan horyaalka Premier League oo ay ciyaareyso kooxdiisa Arsenal.

Sokratis ayaa uruursaday kaarkarka digniinta ah, waxaana kiisii ugu dambeeyey uu qaatay qeybta hore kulanka ay maanta la ciyaarayso Arsenal naadiga Everton.

Sokratis ayaa seegi doona labada kulan ee soo aaddan horyaalka Premier League oo ay kooxdiisa Arsenal la kala ciyaari doonto kooxaha Watford iyo Crystal Palace kaddib markii uu qaatay kaarkiisii 10-aad ee digniinta (Jaalle) xilli ciyaareedkan.

Ma jiro difaacan dhexe oo ka kaarka Jaalle qaadasho badan horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan ciyaaryahan Sokratis, waxaana uu qaatay 10 Jaalle 22 kulan oo uu ciyaaray.

Yeelkeede, waxa uu Sokratis hadda seegi doonaa labada kulan oo ay horyaalka kooxdiisa Gunners la kala ciyaari doonto Watford iyo Crystal Palace.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close