RASMI: Ronaldinho Wiilkiisa oo ku biiray ku biiray kooxdiisii ugu horreysay

(Brazil) 07 Abriil 2019. Wiilka uu dhaliyey halyeygii hore ee reer Brazil ee Ronaldinho ayaa ku biiray kooxdiisii ugu horreysay.

Ronaldinho wiilkiisa ayaa heshiiskiisii ugu horreeyey ee sare la galay kooxda reer Brazil ee Cruzeiro.

Joao Mendes oo 14-sano jir ah ayaa horay u soo matalay heerka da’yarta ee kooxda Cruzeiro sanadihii la soo dhaafay, laakiin hadda waxa uu u saxiixay heshiis shan sanadood ah oo sare.

Da’yarkan ayaa farxad ka muujiyey inuu ku biiro Naadigan, waxaana uu u mahad celiyey maamulka kooxda.

“Waa riyo inaan maalin awoodo inaan heshiis xirfadlennimo sare ah u saxiixo Cruzeiro.” ayuu yiri Joao Mendes markii uu heshiiskan cusub qalinka ku duugay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close