Miyuu Philippe Coutinho ka tagayaa kooxda Barcelona, muxuuse ka yiri dib ugu laabashadiisa dalka Ingiriiska??

(Barcelona) 07 Abriil 2019. Ciyaaryahan Philippe Coutinho ayaa sheegay in ku laabashadiisa England aysan ahayn mid ku habboon qorshihiisa haatan, waxaana uu meesha ka saaray inuu dhammaadka xilli ciyaareedkan ka tagayo kooxdiisa Barcelona.

Xiddiga xulka qaranka Brazil ayaa la la xiriirinayey inuu u dhaqaaqi doono kooxaha Chelsea iyo Manchester United bilihii dhowaa, inkastoo xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyey oo dhammaystiran uu u ciyaaray kooxda Barca.

Waqtigiisa Coutinho ee garoonka Camp Nou ayuusan qorsheynayn inuu soo gabagabeeyo illaa iyo haatan, inkastoo uu marna ku soo bilaabanayey marna uu dibadda ka joogay safka macallin Ernesto Valverde.

Iyadoo ay jiraan warar sheegaya in Barcelona ay diyaar u tahay inay Coutinho ku bedelato lacag badan ayaa haddana ciyaaryahankii hore ee Liverpool uu ku adkeysanayaa inuusan doonaynin inuu ka tago xilli walba oo dhow.

“Waa xilli ciyaareedkeygii labaad ee halkaan, waxaan ku guuleystay koob, laakiin anigu had iyo jeer waxaan ahay ciyaaryahan hammi leh” ayuu u sheegay Jariiradda The Mirror.

“Sidaa darteed waxaan doonayaa wax badan oo badan, laakiin anigu waan ku faraxsanahay halkaan, waxaan doonayaa inaan ka ciyaaro Spain, waxaan ku suganahay kooxda ugu fiican Spain, madaxdeyga waxaa ku jirta Barcelona, ku laabashada England ee haatan kuma habboona qorshahayga.” ayuu Coutinho ku daray hadalkiisa.

Coutinho kaasoo ay kooxda Barcelona kula soo saxiixatay heshiis dhan 142 milyan oo gini 15 bilood ka hor ayaa ku soo bilowday 19 kulan oo horyaalka La Ligaha Spain ay ciyaartay Barca xilli ciyaareedkan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close