Leonardo oo si kulul u cambaareeyay garsooraha, kadib guuldaradii Milan kasoo gaartay kooxda Juventus

 (Italy) 07 Abriil 2019. Halyeeyga AC Milan iyo xulka qaranka Brazil ahna agaasimaha ciyaaraha ee kooxda Leonardo ayaa si kulul u cambaareeyay garsoorka, kadib guuldaradii ay kala kulmeen Juventus.

Juventus ayaa guul soo laabasho ah ka gaartay Kooxda Ac Milan, kaddib ciyaar ku dhamaatay 2-1, taasoo ka tirsaneyd kulamada 31-aad ee horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga.

Ciyaarta kadib Leonardo ayaa ku dooday in garsooraha uu iska indho tiray rigoore ay u qalmeen inuu ku abaal mariyo garsooraha iyo khaladaad kale, balse ma aysan dhicin.

“Aad ayaan u niyadjabnay, waxaan ka codsanay kooxda inay u ciyaaraan si geesinimo iyo kalsooni leh, waana taas waxa aan sameenay”.

“Khaladaad garsooraha ee ciyaartan ayaa ahaa mid iska cad, wax qabadka garsooruhu runtii ma fiicnayn”.

“Ma doonayo inaan muran dhaliyo, balse go’aamada garsooraha inta ay ciyaarta socotay ayaa waxay ahaayeen kuwo niyad jab ah”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close