Arsenal oo dharbaaxo kulul kala kulantay Kooxda Everton +Sawiro

( Premier League ) 7 Abriil 2019 Kooxda Everton ayaa guul daro biday dhigeeda Kooxda Arsenal oo tartan ugu jirtay kaalinta afaraad , kulan ciyaareedka ayaa ku soo gaba gaboobay 1-0 oo ay guushu ku raacday Kooxda Everton oo ku ciyaareysay garoonkeeda .

Kulan ciyaareedka qeebtiisa koowaad ayaa ku soo dhamaaday 1-0 oo ay ku hor kaceysay Kooxda Everton wallow Arsenal ay iska qasaariyeen fursado dhowr ah , balse kulanka qeebtiiisa hore waxaa ku gacan sareeyey Everton.

Kabtan Kooxda Everton ee Phil Jagielka ayaa u dhaliyey kooxdiisa goolka ay hogaanka ciyaarta ku qabteen daqiiqadii 10-aad ee ciyaarta , Arsenal ayaa sameesay qeebtii hore ee ciyaarta oo dhan hal isku day oo gool loo filan karay balse uma suurta galin in ay la yimadaan goolka bareejada qeebtii hore ee ciyaarta .

Ugu dambeen kulan ciyaareedka qeebtiisa hore  ayaa ku dhamaaday 1-0 oo ay ku hogaamineyso Kooxda Everton , waqti nasiino kaddib waxaa dib loo anaba qaaday qeebtii dambe ee ciyaarta oo aheyd mid ka xiiso badan qeebtii hore .

Kooxda Everton ayaa iska cuntay jaanisyo badan oo gool loo filan karay bilowgii hore ee qeebtii dambe , Arsenal ayaa garoonka ku suu biirisay xidigaheeda kala ah Pierre-Emerick Aubameyang iyo Ramsey .

Arsenal waxaa soo wajahay culees aad u badan madaama Everton ay ku soo qaaday duulaan is daba jog ah balse daagacyada Arsenal ayaa sameyey difaacasho qurux badan .

Ugu dambeen kulan ciyaareedka  ayaa ku dhamaaday 1-0 oo ay ku badisay Kooxda Everton xili Arsenal ay ku fashilantay in ay guul gaarto madaama tartan booska afarad ay ku jirto .

Arsenal Premier League Live Stream Prediction Odds TV Channel Everton Fixtures Latest

Arsenal Premier League Live Stream Prediction Odds TV Channel Everton Fixtures Latest

Everton vs Arsenal LIVE: Premier League table, fixtures and updates

Everton vs Arsenal LIVE: Premier League table, fixtures and updates

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close