Zidane oo si RASMI ah ugu dhawaaqay Liiska xiddigaha Real Madrid ee ka`ga qeyb galay kulanka Eibar & magacyo si layaab leh kaga maqan liiskan

(La Liga ) 06 Abriil 2019. Macalinka reer France ee Zinedine Zidane ayaa ku dhawaaqay liiska xidigaha kooxda Real Madrid ee kaga qeyb galaya kulanka ay maanta ku wajahayaan Eibar, ee ka tirsan kulamada 31-aad horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Hadaba liiskan uu ku dhawaaqay tababare Zidane ayaa waxaa ka maqan kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos iyo xidiga Mariano Díaz.

Halka sidoo kale liiskan uu ka maqan yahay Marcelo sababa la xiriira ganaax, laakiin xidigaha kala ah Thibaut Courtois, Dani Carvajal, Marcos Llorente iyo Vinícius Júnior ayaa ku maqan dhaawac.

Ka maqnaanshiyaha liiskan ee xidigaha Ramos iyo Mariano Díaz ayaa ah layaabka ugu weyn ee liiskan kadib guuldarada kulankii Valencia ay kala soo laabteen Mestalla Stadium, isla markaana ay kooxda u baahan tahay dhiiragalin xoogan.

Hadaba liiskan uu ku dhawaaqay Zinedine Zidane ee ka qeyb galaya kulanka maanta Eibar ee horyaalka La Liga ayaa kala ah:

Navas, Luca Zidane, Odriozola, Vallejo, Varane, Nacho, Reguilón, Casemiro, Valverde, Luka Modrić, Toni Kroos, Isco, Brahim Díaz, Ceballos, Benzema, Lucas Vázquez, Gareth Bale.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close