Shaxda rasmiga ah kulanka FA Cup-ka ee kooxaha Man City iyo Brighton oo la shaaciyey

(London) 06 Abriil 2019. Waxaa la shaaciyey safafka rasmiga ah oo ay garoonka ku soo geli doonaan kooxaha Manchester City iyo Brighton kulanka goordhow bilaaban doona ee FA Cup.

Kulankan ayaa ka dhici doona garoonka Wembley ee Magaalada London waxaana macallin Chris Hughton uu shaxdiisa ku sameeyey afar isbedel iyadoo ay safka kooxda dib ugu soo laabteen  Montoya, Bernardo, Knockaert iyo Murray.

Dhinaca kale difaaca ka tirsan kooxda Man City ee Mendy ayaa safka hore ku soo bilowday waxaana uu ciyaarayaa kulankiisii ugu horreeyey tan iyo bishii Janaayo laacibkan ayaana dhaawac la maqnaa.

SAFAFKA LABADA KOOXOOD OO DHAMMAYSTIRAN:-

Safka hore ee Man City:  Ederson, Mendy, Laporte, Otamendi, Walker, Gundogan, Bernardo, Silva (C), De Bruyne, Sterling, Jesus.

Keydka Man City:  Muric, Danilo, Stones, Fernandinho, Sane, Mahrez, Foden.

Safka hore ee Brighton: Ryan; Montoya, Duffy, Dunk, Bernardo; Stephens, Pröpper, Bissouma, Knockaert; Murray, Jahanbakhsh.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close