Kooxda Real Madrid oo guul soo laabsho leh ka gaartay Kooxda Eibar +Sawiro

(La LIga ) 6 Abriil 2019 Kooxda Real Madrid ayaa guul soo laabsho leh ka gartay Kooxda Eibar kaddib ciyaar ku idlaatay 2-1 oo ka tirsaneed horyaalka La LIga .

Kulan ciyaareedka qeebtiisa koowaad ayaa ku soo idlaaday 1-0 oo ay ku hogaamineysay Kooxda Eibar wallow Kooxda Madrid ay soo bandhigtay ciyaar aad u cajiib aheyd .

Eibar waxaa goolka u dhalieyey laacibkooda lagu magacaabo Marc Cardona kaddib caawin uu ka helay Gonzalo Escalante daqiiqadii 39-aad ee qeebtii hore ee ciyaarta .

Madrid ayaa sameesay dadaalo badan si ay isaga soo aar gudo goolka deenta ee lagu yeeshay balse uma suura galin in ay helaan goolkaa , ugu dambeen kulanka qeebtiisa hore ayaa lagu kala nastay gool iyo waxba uu ay ku hogaamineyso kooxda Eibar .

Waqti nasiini kaddib waxaa dib loo anaba qaaday qeebtii dambe ee ciyaarta Kooxda Real Madrid ayaana la timid soo laabasho cajiib ah kaddib markii ay la yimaadeen labo gool.

Laacibka rere Farance ee Benzeam oo hogaamiya weerarka kooxda Cad -Cadka  ayaa dhaliyey labada gool isaga oona kooxdiisa ka saaciday in ay guul garaan .

Marco Asensio ayaa caawiye ka ahaa goolka bareejada ee Madrid daqiiqadii 59-aad ee ciyaarta waxaana goolkaas dhaliyey Karim Benzema , natiijada kulanka ayaa noqtay mid siman .

Madrid oo sii laba jibaartay dadaalkeeda ayaa ugu dambeen heshay goolka guusha waxaana mar labaad shabqa gaaray Karim Benzema waxaa caawinta gooshaas lahaa Kroos.

Ugu dambeen kulanka ciyaareedka ayaa ku dhamaaday 2-1 waxaana guusha gaaray Kooxda Real Madrid oo ku ciyaareysay garoonkeeda .

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close