HORDHAC : Man City VS Brighton ? Wax kasto oo ku saabsan kulanka labadan naadi ee wareega afar dhamaadka tartanka Fa Cup

( FA Cup ) 6 Abriil 2019 Kooxda Man City ayaa
ciyaari xiiso badan la yeelan doonta kooxda Brighton kulan ka tirsan wareega afar dhamaadka ee tartanka Fa Cup .

City oo horey ugu soo guuleysatay tartanka Carabao Cup ayaa dooneysa in ay sidoo kale ay xayuubsadaan koobka tartanka ugu cimriga dheer gudaha Englad ee FA Cup , waxey sidoo kale u sharaxanyihiun hanashada horyaalka Premier oo ay doonayaa in ay ku guuleystaan markoodii labaad oo xiriir ah.

Maxaa ka casub labada koox ka hor kulanka :

Manchester City macalinkooda Pep Guardiola ayaa kabwaramaya caalka Sergio Aguero isagavoona yiri “guud ahaan waa uu wanaagsanyahaybkaddib dhaawac ka soo gaaray muruqa waxa uuna qeeb ka yahay xidigaha safrayab ”

Oleksandr Zinchenko ayaa laga saaray kulanka kaddib dhaawac soo gaaray waxaana buuxinta booskiisa ku hardamaya xidigaha kala ah Danilo iyo Benjamin oo midkood ku soo bilaabanaya kulanka.

Brighton garabkeeda Solly March ayaa shaki laga muujinayaa in uu kulankan ciyaaro madaama uu qabo dhaawac canqowga.

Jurgen Locadia oo seegay kulankii dhawaan ee ay Chelsea la qateen ayaa markan la hubin doonaa xaldiisa caafimaad iyo hadii uu taam u yahay kulankan iyo in kale .

Ogeysiiska Ciyaara :

Kulanka : Man City VS Brighton ?( FA Cup)

Goobta :Wembley

Goorta : 7 :30 oo habeeimo

Garsoorka:Anthony Taylor

Xaqiiqooyinka Ciyaarta :

City ayaa guuleysaneysay 21-ka mid ah 22-kukan oo xiriir oo ay ciyaartay iyada lagu darayo xitaa ciyaartii finalka ee Carabao Cup oo ay rigoorayaal ku qadeen .

Man City oo shan jeer ku guuleysatay tartanka FA Cup ayaa badisay 10-jeer 13-mar oo ay ka soo muuqatay heerka semi-finalka ee tartanka , waxaana xusid mudan in ay badiyeen 8-kamida 9-kulan ee la soo dhaafay.

Pep Guardiola’ kooxda uu hogaamiyo waxey xagaagan ka dhaliyeen tarrankan 19-gool , Kooxdii ugu dambeysay ee 20-gool dhalisa hal xili ciyaareed waa kioxda Chelsea oo sidaas sameesay fasal ciyaareedkii 2011-12.

Brighton marna kuma aysan guuleysan garoonkan Wembley iyaga oona qasaarayey sedex kulan oo xiriir ah tan iyo bar baro ay la gashay kooxda Manchester United sandii 1983 .

Waa markii labaad oo ay kooxda Brighton soo gaarto wareega afar dhamaadka ee tartanka FA Cup xili sandkii hore ay soo tiigsadeen wareega sideed dhamaadka .

Eeg safafka macquulka ee kulanka:

 

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close