Guardiola oo ka codsaday Danny Rose inuu sameeyo hal arin kahor is aragooda kulanka Champions League ee Talaadada

(England) 06 Abriil 2019. Macalinka reer Spain iyo kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa ka codsaday daafaca garabka bidix ee kooxda Tottenham Hotspur Danny Rose inuusan u ogolaanin cunsurinimada inay isaga ka guuleysato.

Dhinaca kale Guardiola ayaa sheeegay in Danny Rose uusan go’aansanin ka fariisashada ciyaarista kubadda cagta, hadii ay dhacdo inuu la kulmo fal cunsurinimo ah inta uu ku gudi jiro waajibaadkiis shaqo.

Danny Rose ayaa sheegay inuu qorsheenayo in gabi ahaanba uu ka fariisto kubadda cagta haddii uu la kulmo hadalo cunsuri ah mustaqbalka, sababa la xiriira inuusan markale u dulqaadan karin inuu la kulmo arimaha noocaan oo kale kulamada uu ciyaarayo, isagoo ka careysan sida ay wax u dhaceen.

Guardiola oo ay ku wada ciyaari doonaan kooxda Tottenham Hotspur wareega siddeed dhamaadka ee tartanka Champions League Talaadada soo aadan ayaa sheegay in Danny Rose uu sii wadi doono ka hor taga falalka cunsurinimada ah.

Macalinka reer Spain ayaa shir jaraa’id uu kasoo muuqday wuxuu kaga hadlay arintaan wuxuuna yiri:

“Habka ugu fiican waa in lala dagaalamaa, isla markaana laga hor tagaa xaaladahan oo kale, sababtoo ah Rose waa ciyaaryahan weyn, waxaana arintan u sheegi doonaa marka aan arko Talaadada”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close