“Waxaan dooneynaa in qandaraas cusub ee abid ah aan ka saxiixano Messi” – Josep Maria Bartomeu

(Spain) 05 Abriil 2019. Madaxweynaha kooxda Barcelona ee Josep Maria Bartomeu ayaa sheegay inuu xiiseenayo in qandaraas cusub ay ka saxiixdaan Lionel Messi xilli ciyaareedka soo socda.

Josep Maria Bartomeu ayaa dhinaca kale hadalkiisa intaas ku sii daray inay xiiseenayaan in heshiiskan cusub ee Messi uu noqdo mid inta ka dhiman noloshiisa ah.

31 jirkan ayaa qandaraaska uu kula joogo kooxda Barcelona wuxuu dhacayaa xagaaga 2021, Barcelona ayaana dooneysa inay heshiiska u cusbooneysiiso.

Hadaba madaxweynaha kooxda Barcelona ee Josep Maria Bartomeu ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu kaga hadlay sida ay u doonayaan in heshiis cusub ay ka saxiixdaan Messi.

“Waxaan dooneynaa inaan qandaraas cusub ka saxiixano Lionel Messi, wali waa da’ayar, wuxuuna haatan heystaa heshiis laba xili ciyaareed kale”.

“Lionel Messi wali wuxuu heystaa sanado badan uu kusii dhex jiri karo caalamka kubadda cagta ah, bilaha soo socda waxaan la kulmi doonaa isaga si aan kala hadalno heshiiska uu cusbooneysiin doono”.

“Waxaa rajeeneynaa inuu na dhex mari doono heshiis ah inta ka dhiman noloshiisa”.

“Messi si fiican ayuu u garanayaa dabeecadda jirkiisa, maalinta uu u garto inuusan si fiican u caawin karin kooxdiisa, wuxuu go’aansan doonaa inuu ciyaaraha ka fariisto”.

“Lionel Messi wuxuu farqi ka sameeyaa kulan kasta, waa ciyaaryahanka ugu fiican aduunka, taasina wuxuu ku muujiyay kulan kasta uu horey u soo ciyaaray, Messi waa laacibka hal koox ee kaliya”.

“Xiriirka ka dhaxeeya Barcelona iyo Messi maahan kaliya mid ku saleysan kubadda cagta, tusaale ahaan Pele mar walba wuxuu ahaa mid ku xiran kooxdiisa Santos, Messi ayaa sidoo kale doonaya inuu sii wato Barcelona”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close