Jurgen Klopp oo si cad uga hadlay fikirkiisa ku aadan awooda Manchester City

(England) 05 Abriil 2019. Liverpool ayaa caawa u martin doonta naadiga Southampton, haddii ay ka soo adkaatana waxay si ku meel gaar ah ku sii qaban doontaa hogaanka horyaalka Premier League maadaama ay Manchester City ciyaari doonto FA Cup.

Tababare Jurgen Klopp ayaa ka hadlay fikirkiisa ku aadan kooxda Pep Guardiola taa oo ay dad badan qabaan inay ku wada guuleysan karto tartamada ay u tartameyso oo idil xitaa Premier League.

Macalinka reer Germany ayaa qudhiisa qiray in City tahay kooxda ugu fiican adduunka waqtigan balse wuxuu sheegay inaysan howsha sidaa u fududeyn.

“Haddii aan bannaanka ka daawan lahaa City waxaan sida cad oran lahaa waxay ku guuleysanaysaa koobabka oo dhan si la mid ha dadka kale,” Klopp ayaa sidaa yiri.

“Waa sida ay tahay. Waxaad arkeysaa City oo ciyaareysa. Imise ruux ayaa daawata City dhammaanka 90-ka daqiiqo ee kulamada City?.

“2-0 ayay uga adkaadeen Fulham, inaguna 2-1 ayaan uga adkaanay Fulham maxaa yeelay waxaan sameynay qalad aynu badanaa sameyn.

Manchester City Liverpool Premier League title

“Labadii gool ay City ka dhalisay Fulham waxay ka dhasheen qaladaad ay sameeyeen kooxda kale.

“Haddii aan bannaanka ka daawan lahaa, waxaad aamineysaa in City ay u muuqato inay ku guuleysanayso dhammaan afarta koob ay u tartameyso aniga xitaa sidaa ayaa aaminsanahay.

“Haddii aad innaga nala jirto waxaad sida cad aamineysaa inaan ku wada guuleysan karno Premier League iyo Champions League, haddii aadan nala jirin ma aamineysid inaan ku wada guuleysan karno.

“Anigu ma xiiseeyo waxa ay dadku naga aaminsan yihiin gaar ahaan kuwa aan nala jirin.

“Marar badan waxaan horey u iri in City waqti xaadirkan u muuqato kooxda ugu fiican adduunka waana sida ay tahay.

“Balse taas lama micno aha inay guuleysanayaan dhammaan kulamadeeda, wax iga galay malahan, wax sharad ah kuma dhigto mana xiiseeyo waxaas.”.

Manchester City oo durba meel ku hubsatay EFL Cup ayaa sidoo kale ugu cad cad inay ku guuleysan karto FA Cup iyo waliba Premier League.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close