HORDHAC : Southampton VS Liverpool ? Xogta kulanka iyo xaqiiqooyinka laga diwaan giliyey ciyaarta

( Premier League ) 5 Abriil 2019 Kooxda Liverpool oo guul dirqi ah ka soo gaartay Kooxda Tottenham bilowgii asbuucan ayaa cawa booqan doonto Kooxda Sounthampton kulan ka tirsan horyaalka Premier League .

Hogaamiyaha Kooxda Reds ayaa wali ku rajo weyn in Liverpool markii ugu horeysay uu u gacan gilyo tartanka Premier League wallow uu tartan adag uu kala kulmayo Man City oo hogaanka u heysa ,balse guul ay garaan kulankan ayaa u sahli karta in markale ay la wareegaan hogaanka horyaalka qaab ku meel gaar ah .

Maxaa ka cusub labada Kooxda ka hor kulanka :

Shane Long iyo Jannik Vestergaard ayaa ku soo laaban kara safka Kooxda  Southampton si ay u wajahaan Kooxda  Liverpool kaddib markii ay ka soo kabsadeen dhaawacyo kala gadisan oo ay qabeen labadooduba .

Danny Ings ma ciyaaro doono kulankan madaama milkayadiisu ay leedahay Liverpool halka Mario Lemina iyo Michael Obafemi ay wali dhaawacyo ay ku maqanyihiin.

Geesta kale Liverpool waxa ay heestaan saf dhameestiran oo aan shaki dhaawac  qabin ,  Virgil van Dijk ayaa si wanaagsan ugu bogsaday dhaawac fudud oo soo gaarya Kualnkii Tottenham waxa uuna diyaar u yahay in uu safto kulanka caawa ee Kooxdiisii hore ay wajahayaan .

Xidigaha kala ah Joe Gomez iyo Alex Oxlade-Chamberlain ayaa dib ugu soo laabtay tawabarka buuxa ee kooxda balse awood u ma yeelan karaan in liiska ciyaartoyda  kulanka caawa lagu soo daro .

Ogeysiiska Ciyaarta :

Kulanka : Southampton VS Liverpool ( Premier League ).

Goobta : St. Mary’s Stadium.

Goorta :10:00 oo Habeenimo.

Garsoorka : Paul Tierney.

Xaqiiqooyinka laga diwaan giliyey kulanka :

Southampton ayaa qasaartay sedexdii kulan ee ugu dambeeyey ee ay la yeelatay Kooxda Liverpool waxaana kulamdaas lowgu dhaliyey 8-gool .

Liverpool ayaa guul daro la’aan ah 13-kii kulan ee ugu dambeeyey dhamaan tartamada ( 8-guul iyo 5-bareejo ) .

Kooxda Liverpool ayaa ku naaloonneysa sand cajiib ah kaddib markii ay shabaqooda gool  ka ilaalsadeen 17- kulan xili ciyareedkan.

The Reds ayaa ka heysata rikoor wanaagsan kulmada banaanka waxa ay badiyeen 10-kulan  halka ay bareejo galeen shan kulan , waxa ayna qasaareen kulan .

Laacibka reer Afrika ee Mohamed Salah aya agool la’aan ah 8-dii kulan ee ugu dambyey ee uu Liverpool u ciyaaro dhamaan tartamada .

Eeg safafka macquulka ah ee labada dhinac ka hor kulanka :

 

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close