Cristiano Ronaldo oo noqday wakiilka shirkadda laga leeyahay dalka Shiinaha ee SEVEN BRAND

(Aasiya) 05 Abriil 2019. Cristiano Ronaldo ayaa u saxiixay heshiis cusub shirkada fashion-ka SEVEN BRAND ee dalka shiinaha, si uu u noqdo danjiraha shirkadda Shiinaha iyo aduunka oo idil.

Heshiiskan ayaa wuxuu dhacay inta lagu gudi jiray sanadguuradii 40-aad ee kasoo wareegtay bilawga hawsheeda aduunka ee dharka raga iyo Koonfur Bari Asia.

Ronaldo ayaa sheegay inta lagu  gudi jiray shirka jaraa’id ee lagu soo bandhigayay heshiiskan cusub uu la galay shirkada fashion-ka SEVEN BRAND ee dalka shiinaha.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan noqdo afhayeenka shirkada SEVEN BRAND, isla markaana aan qeyb ka noqdo munaasabada sanadguuradii 40-aad ee kasoo wareegtay goortii la aas-aasay”.

Inkasta Ronaldo uu la kulmay xaalado aad u adag isla markaana qallafsan ee ka baxsan gudaha garoonka, oo ay ugu muhiimsan tahay eedeymaha uu kala kulmay haweeneyda  dalka Mareykanka ee Kathryn Mayorga oo ay haatan ku mashquulsan yihiin baarayaasha Las Vegas ee USA.

Laakiin gooldhaliyaha kooxda Juventus ayay wali xaaladihiisa ugu socdaan si wanaagsan, gaar ahaan heerarka xoola-dhaqatada.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close