Tababare Sarri oo amaan ugu qubeeyay xidigaha Chelsea, kadib guushii ay ka gaareen Brighton

(England) 03 Abriil 2019. Tababare Maurizio Sarri ayaa amaanay ciyaartoyda kooxda uu maamulo ee Chelsea, kadib guushii ay kaga gaareen dhigooda Brighton kulan ka tirsanaa horyaalka Premier League.

Bules ayaa kooxda Brighton waxay kaga adkaatay 3-0  waxaana goolasha u kala dhaliyey xidigaha kala ah Olivier Giroud, Eden Hazard iyo Ruben Loftus-Cheek oo kulankisii labaad oo xiriir ah gool dhalinaya.

Hadaba macalinka reer Talyaani ayaa ciyaarta kadib u sheegay shabakada caalamiga ah ee BBC.

“Waxaan soo bandhignay ciyaar aad u wanaagsan, wax gool ah nagama dhalanin, ciyaartoyda waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, waxaana dhalinay saddex gool ee cajiib ah”.

“Waxaan ciyaarnay kulan khaas ah, waxaan qabaa inay kooxdu soo kabatay, kadib 50 kulan oo ay ciyaareen, way nagu adkaan doontaa inaan ciyaarno seddexdii maalmoodba mar”.

“Jawiga ciyaarta wuxuu ahaa mid aad u fiican, waxaan doonayaa inaan u mahadceliyo taageerayaasha oo dhan, sababtoo ah waxay nala joogeen inta ay ciyaarta socotay”.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close