RASMI: Mario Mandzukic oo qandaraaska u kordhiyey kooxdiisa Juventus

(Turin) 04 Abriil 2019. Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa ku dhawaaqday in weeraryahankeeda Mario Mandzukic uu heshiiska u kodhiyey.

Mario Mandzukic ayaa qadaraaska cusub ee uu u saxiixay waxa uu kooxda Juventus ku sii hayn doonaa illaa sanadka 2021-ka.

Warsidaha Sky Sport Italia ayaa warinaya in heshiiska cusub ee Mandzukic uu xilli ciyaareedkii ku qaadan doono 5.5 milyan oo euro oo lagu daray gunnooyinka, waxaana mushaarkiisa lagu kordhiyey 1 milyan oo euro.

Xiddiga xulka qaranka Croatia kaasoo 33-sano jirsan doona bisha May, ayaa kooxda Juventus kaga soo biiray naadiga Atletico Madrid xagaagii 2015-kii, kaddib markii uu waqti ku soo qaatay kooxaha NK Zagreb, Dinamo Zagreb, Wolfsburg iyo Bayern Munich.

Waxa uu dhaliyey 43 gool 159 kulan oo uu u ciyaaray kooxda Bianconeri, isagoo u sameeyey 24 caawin, waxaana uu kula guuleystay saddex koobka horyaalka Serie A ee Scudetti.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close