Raheem Sterling oo safamal u sameeyey 550 carruur ah oo dhigan jirtay Iskuulkiisii hore

(Manchester) 04 Abriil 2019. Ciyaartoyda kubadda cagta caalamka waxa ay kasbadaan mushaar aad u fara badan oo ay ka helaan kooxaha ay u ciyaaraan, hase yeeshee kuwo yar ayaa dhaqaalahooda qayb ka mid ah ku bixiya dhanka samafalka.

Xiddiga kooxda Manchester City ee Ingiriiska, Raheem Sterling ayaa waxa uu sameeyay tallaabo aad loogu riyaaqay markii 550 arday oo dhigata Iskuulkii uu isagu dhigan jiray xilligii uu da’dooda oo kale ahaa ee ku yaalla Waqooyi Galbeed ee London uu u iibiyay tikidhada lagu daawanayo kulanka nus dhammaadka FA-ga oo ay  Kooxdiisa Manchester City Sabtida soo aaddan la yeelan doonto Brighton and Hove Albion.

Wargeyska ‘Mail Online’ ayaa intaa ku daray in Sterling uu bixin doono dhammaan kharashka gaadiidka carruurtaasi faraha badan kaga soo kicitamayaan Arc Elvin Academy illaa xerada tababarka Manchester City si uu ula kulmo ka hor inta aan tikidhadoodii faraha laga saarin, waxaana carruurtaasi ay ciyaarta Semi-Finalka FA Cup-ka u sacab tumi doonaan xiddiga casuumay ee Sterling.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close