HORDHACA: Kulanka adag ee kooxaha Dekedda Vs Muqdisho City Club

(Soomaaliya) 04 Abriil 2019. Hordhaca Dekedda Vs Muqdisho City Club- Hogaamiyaha Muqdisho City Club Hussein Mbalangu Oo Ku Dhiban In Uu Ka Adkaado Tababare Yuu Cali.

Kooxaha Dekedda iyo Muqdisho City Club ayaa galabta ku balansan garoonka Banadir Stadium ciyaar ka tirsan Horyaalka Somali Premier League.

Kulankan ayaa ah mid aad u xiiso badan, labada kooxod ayaa diyaar garow xoogan u galeyn kulankan in midkood uu badiyo, waana kulankii 41-aad ee laga dheelayo horyaalka Somali Premier League.

Labadan kooxod ayaa ciyaari doona galabta kulankii ugu dambeyay wareega hore ee horyaalka Somali Premier League, iyago hore u soo dheelay mid sideed kulan, kan galabta marka lagu daro waa kii 9-aad ee ka dheelan horyaalka.

Kooxahan ayaa cadaawad ba’an ka dhaxeysa marka saas ku leeyahay waxaan kala jeeda labada hogaamiye ee dhinacyadan ayaa taariikhyo fog isku leh.

XAQIIQOOYINKA KULANKAN:

Kooxda xafidaneysa horyaalka Somali Premier League ee Dekedda ayaa u muuqaneysa mid ka itaal roon dhigooda Muqdisho City Club maadama 11-kii kulan ee ugu dambeysay ay ka guuleysteyn 6-kulan halkan shanta kalana ay dhibcaha kala qaateyn labada dhinac tartamada oo dhan.

Kulankii ugu dambeyay ay is arkan labadan kooxod wuxuu ahaa kulankii finaalka koobka Super Cup-ka ee Dalka kadib markii ay kooxda Muqdisho City Club looga adkaaday 3-0, ciyaartas oo dhacday 30-1-2019.

Muqdisho City Club oo dadka badi ay u yaqaanan Banadir Sports Club ayaa dareensa in kooxda wajihi doonto ee Dekedda ay tahay kooxdii sanadkii la soo dhaafay hal dhibac oo qura kaga qaaday horyaalka Somali Premier League.

Hogaamiyaha reer Uganda ee Hussien Mblango ayaa ku dhiban in uu guul ka gaaro kooxda Dekedda tiiyo ay jirto in mudo afar sano ah uu leelinayo kooxda faca weyn ee Muqdisho City Club.

Hogaamiyaha Kooxda Dekedda Yuucali ayaa ka taariikh fiican macalinka Hussien Mblango, maadama uu ka adag yahay markii ay iska hor yimaadan labada kooxod ay maamulan.

Xidigaha Muqdisho City Club ayaa doonaya iney meesha ka saaran taariikhda xun ee diiwanga ugu qoran taas oo ah in aysan guul ka gaarin Dekedda 11-kii Kulan ee Ugu Dambeysay oo ay Dekedda ku wajahan dhamaan tartamada oo  dhan, mana ku qanci doonan wax aan aheyn guul ay ka soo hooyan dheesha Dekedda.

Caadil Nuur Cali ayaa ka hor imaan kara kooxdiisa hore Muqdisho City Club isago iminka qeyb ka ah kooxda Dekedda.

Ciyaarahan Marcelo ayaa sanadkan ugu goolal badan kooxdiisa Muqdisho City Club isago u dhaliyay 8-gool halka Zakariye Towfiiq oo kooxdiisa Dekedda u dhaliyay 3-Gool.

Kooxda Dekedda kulankii ugu dambeyay waxey bar baro 1-1 la soo galeyn kooxda Heegan halka kooxda Muqdisho City Club Guul raaxo leh ka soo gaartay naadiga Jazeera Sports Club kadib markii ay ugu awoo sheegatay 5-2.

Dekedda waa kooxda hogaamineysa horyaalka iyado leh 17-dhibcood halka Muqdisho City Club ay leedhahay 14-Dhibcood.

WARARKA LABADA KOOXOD:

Wiilasha Muqdisho City Club dheesha galabta waxaa ka maqnaanay ciyaarayahankeeda Cabdiqaadir Eenow Banteki kaas oo qaba dhaawac.

Kooxda Dekedda waxaa kulankan dhaawacyo ku seegaya ciyaaryahanada kala ah  Erig Mata iyo Zakariya Towfiiq, kuwaaso oo qaban dhaawacyo kala duwan.

OGEYSIIS CIYAARTA:

Tartanka: Horyaalka Somali Premier League

Kooxaha: Dekedda Fc VS Muqdisho City Club

Garoonka: Banadir Stadium

Saacada: 3:30

Qiimaha Kulanka: Lacag La’aan

Jawiga Garoonka: 32° /27°C

W/D Cabdifitaax Cabdirashiid Abuukar(Nani)

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close