Valencia oo dhagta dhiiga u dartay Kooxda Madriid hal dhibicna u soo jirsatay kaalinta afaraad ee kala sareenta horyaalka +Sawiro

(La LIga ) 4 Abriil 2019 Kooxda Real Madrid ayaa la kulantay guul daro xanuun badan kaddib markii ay qasaaro kala kulantay kooxda Velencia , natiijada kulan ciyaareedka ayaana ku dhamaaday 2-1

Kulan ciyareedka qeebtiisa koowaad  ayaa ku soo dhamaaday 1-0 oo ay ku hogamineysay kooxda Valencia  wallow Kooxda Madrid ay soo bandhigtay qaab ciyareed aad u wanaagsan qeebtii koowaad ee kulanka  .

Xidiga rere Portugal ee Goncalo Guedes ayaa dhaliyey goolka kooxda Valencia daqiiqadii 35-aad ee ciyaarta kaddib caawin uu ka helay  xidiga lagu magacaabo Carlos Soler.

Kualn ciyareedka qeebtiisa koowaad ayaa ku dhamaaday 1-0 oo ay ku hor kaceysay Kooxda Velencia,waxaa muddo nasiino kaddib dib loo naba qaaday qeebtii dmabe ee ciyaarta oo aheyd mid aad u xiiso badan .

Madriid ayaa ku soo gashay dar dar xoogan qeebtii dambe ee ciyaarta iyaga oona sameyey isku dayo badan oo gool loo filan karay balse daafacyada kooxda Velencia ayaa sameyey difaacsho qurux badan .

Dhinaca kale Velencia ayaa dhankooda sameyey isku dayo dhowr ah oo gool loo filan karo , maclin Zidan ayaana sameyey badalo dhowr ah waxaana ciyaarta lagu soo biiriyey xidigaha Bale iyo Isco.

Daqiiqadii 83-aad ee ciyaarta Ezequiel Garay ayaa dhaliyey kubad gees ka laad aheyd oo uu soo qaaday kabtankooda  Daniel Parejo , natiijada kulanka ayaana ayaa noqday 2-0 .

Rajadii Madriid ee kulanka ayaa wiiqday wollow ay iska soo celiyeen gool waxaana u dhaliyey Benzema dhamaadkii ciyaarta  , ugu dambeena ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-1 oo ay guushu ku raacday kooxda Velencia .

 

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close