Kooxaha Inter Milan iyo AC Milan oo wada doonaya saxiixa weeraryahan ka tirsan Chelsea

(Milano) 03 Apriil 2019. Kooxaha reer Talyaani ee Inter Milan iyo AC Milan ayaa la soo warinayaa inay labaduba xiiseynayaan xagaagan saxiixa weeraryahanka Chelsea ee Pedro.

31-sano jirkaan ayaa Chelsea kaga soo biiray Barcelona xagaagii 2015-kii, waxaana uu u saftay kooxda ka dhisan caasimadda Ingiriiska 173 kulan tartamada oo dhan isagoo u dhaliyey 37 gool.

Xiddiga reer Spain ayaa qaab ciyaareed fiican ku jiray Premier League xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay siddeed gool 26 kulan oo uu saftay.

Our team of more than 1500 American writers has helped many to affirm that they write their works and get high marks. That is the reason why essay help online from this service that we provide are the leading providers of academic and business writing in the world. Our purchase process is less than 5 Minutes.

Pedro ayaa heshiiskiisa haatan ee garoonka Stamford Bridge waxa uu ku eg yahay xagaaga 2020-ka, Jariiradda The Express ayaana warinaya in labada kooxood ee reer Talyaani, Inter Milan iyo AC Milan ay wada doonayaan inay la saxiixaan xiddigan garabka ka dheela dhammaadka kal ciyaareedkan 2018-19.

Chelsea ayaa fursad u haysata inay ku soo laabato afarta sare ee horyaalka Premier League, marka ay garoonkooda Stamford Bridge caawa ku soo dhoweynayaan kooxda Brighton & Hove Albion.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close