Cayaaraha da’yarta Olombikada Zone 5 oo furmay iyo Soomaaliya oo ka qeyb galaysa

(Kigali) 03 Abriil 2019. Guddiga Olombikada Qaranka Soomaaliyeed waxaa tartanka ku matalaya Xulalka qaranka kubadda Kolayga iyo ciyaaraha Fudud xidigaha Kubbadda kolyga ayaa ka qeyb galay tartanka 3×3, halka xiddigaha ciyaaraha fudud ay iyagana ka qeyb gali doonaan orado kala gedisan waxaana sanadkan marta gelinaya dalka Ruwanda.

Caasimadda dalka Rwanda ee Kigali waxaa si rasmi ah uga furmay cayaaraha Olombikada Da’yarta wadamada Zone 5 kaasoo ah tartankii ugu horreeyay oo ay dalalka Zoonka shannaad ay Heer Olymipic u qabtaan sanadka 2019.

“Xulalka kala duwan ee dalkeenna Soomaaliya sanadihii la soo dhaafay tartamadda caalamka ka soo hooyeen guulo waa weyn oo horumar u horeesaday wadankeenna, waxayna arrinta buddhig u noqotay in ciyaartooyda Soomaaliyeed loo muujiyo kal gaceyl iyo taageerinnimo yooleed, madaxda isboortiga dalka waxa ay juhdi ku bixinayaan in la soo celiyo sharafkii uu wadankeena kulahaa caalamka.” waxaa sidaas Waaxda Wafraafinta GOS u sheegay guddomiyahay Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda Kolyaga C/llaahi Nuuur Maxamed.

Tartankan waxaa ka qayb galaya 300 cayaaryahan oo ka kala socda 12 wadan waxayna ku loolami doonaan 39 biladood.

Tartanka oo socon doona muddo 5 cisho ah waxaa ka qayb galaya cayaartoyda da’ahaan dhalatay 1-dii January 2001 iyo 1-dii January 2003, waxayna ka socdaan Wadamada kala ah:-

Somalia, Kenya, Tanzania, Rwanda, Burundi, Egypt, Eritrea, Uganda, South Sudan, Ethiopia, Sudan, martigeliyaasha tartanka Rwanda iyo Olombikada dalka faransiiska oo si marti ah kaga qayb galaysa.

Xulka qaranka Kubadda Kolayga waxay kulankooda ugu horeeyay la ciyaari doonaan wadanka Koofurta Sudan kulan bilaaban doona 12:05 xilliga geeska Afrika.

Waaxda Wafraafinta GOS

Info@nocsom.com

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close