Sidee ayey u muuqanaysaa SHAXDA ay garoonka ku soo geli doonto kooxda Manchester United kulanka caawa??

(England) 02 Abriil 2019. Waxaa la shaaciyey sida ay u muuqan karto shaxda ay kooxda kubadda cagta Manchester United ku soo geli doonto kulanka caawa ay ka horjeedaan Naadiga Wolverhampton Wanderers.

Naadiga Red Devils lagu naanayso ayaa booqanaysa  garoonka Molineux, halkaasoo caawa oo Talaado ah ay kula ciyaari doonto Kooxda Wolverhampton Wanderers kulan ka tirsan horyaalka Premier League.

Manchester United ayaa eegeysa inay gaarto guusheedii labaad oo xiriir ah horyaalka Premier League marka ay u safreyso garoonka Molineux caawa, halkaasoo ay kula dheeli doonto Wolves.

Haddii ay Man United caawa adkaato kulanka Wolverhampton Wanderers waxa ay saldhigan doontaa kaalinta saddexaad ee horyaalka Premier League.

Macallin Ole Gunnar Solskjaer ayaa shaxda caawa kooxda ka reebtay FA Cup waxa uu kala hortagayaa oo uu ku soo wada bilaabi karaa Marcus Rashford, Romelu Lukaku iyo Jesse Lingard.

Khadka dhexe ee Man United kulankan sida la filayo waxaa iska kaashan doona Fred, Pogba iyo Matic.

Kooxda Man Utd waxaa ka maqnaanaya kulankan Matteo Darmian, Alexis Sanchez oo dhaawac jilibka ah qaba, Eric Bailly oo madaxa ka xanuusan iyo Antonio Valencia oo ku jira soo kabasho.

Kulanka kooxda Man United ay caawa booqanayso Wolves ayaa sida qorshuhu yahay la baasan doonaa 9:45 habeennimo saacadda geeska Afrika.

Haddaba halkaan hoose ka eeg sida ay u muuqanayso shaxda macallin Ole Gunnar Solskjaer ee Wolves:-

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close