RASMI: Macallinka Man City ee Pep Guardiola oo xaqiijiyey in Sergio Aguero uu seegi doono kulanka habeen dambe

(Manchester) 02 Abriil 2019. Macallinka kooxda kubadda cagta Manchester City ee Pep Guardiola ayaa xaqiijiyey in Sergio Aguero uu dhaawac ku seegi doono kulanka habeen dambe ay la leeyihiin naadiga Cardiff City.

Weeraryahan Sergio Aguero ayaa ka maqnaan doona kooxdiisa Man City kulanka ay habeen dambe oo Arbaco ah ku soo dhoweynayaan garoonkooda Etihad naadiga Cardiff sida uu xaqiijiyey tababare Pep Guardiola.

Dhaliyaha reer Argentine ayaa garoonka laga saaray kulankii ay guusha gaareen Fulham Sabtidii kaddib dhaawac soo gaaray, iyadoo uusan weli kooxda tababar la qaaday todobaadkan.

Guardiola oo xaqiijiyey in Aguero seegayo kulanka Cardiff ayaa shirkiisa jaraa’id ka sheegay: “Isagu ma tababaran labadii maalmood ee la soo dhaafay, marka kulanka berri ma awoodo.”

Waxaana uu macallin Pep Guardiola hadalkiisa raaciyey: “Sergio iyo Fabian Delph waa ay maqan yihiin, laakiin kuwa kale waa OK.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close