Messi oo maqan sidee ayey u muuqanaysaa SHAXDA ay garoonka ku soo geli doonto kooxda Barcelona kulanka caawa??

(Villarreal) 02 Abriil 2019. Waxaa la shaaciyey sida ay u muuqan karto shaxda ay kooxda kubadda cagta Barcelona ku soo geli doonto kulanka caawa ay ka horjeedaan Naadiga Villarreal.

Naadiga Blaugrana lagu naanayso ayaa garoonka Estadio de la Ceramica ku booqanaysa caawa oo Talaado ah Kooxda Villarreal kulan ka tirsan horyaalka la Ligaha Spain.

Barcelona ayaa eegeysa inay sii joogteyso inay sii hoggaamiso horyaalka La Ligaha si ay ugu sii dhowaato ku guuleysigiisa, marka ay caawa wajahayaan Villarreal, iyagoo raba inay guul ka soo qaataan.

Kooxda xafidanaysa horyaalka Spain ayaa lix guul oo xiriir ah gaartay kulamada horyaalka markii ay dhowaan garaaceen Espanyol, waxaana ay hoggaanka horyaalka 10 dhibcood uga qabteen kooxda kaalinta labaad ku jirta ee Atletico Madrid.

Tababare Valverde ayaa caawa nasin doona weeraryahankiisa Lionel Messi, waxaana taas bedelkeeda uu ku soo wada bilaabi doonaa afka hore Suarez, Malcom iyo Coutinho.

Barca waxaa ka maqnaanaya kulankan Rafinha oo jilibka ka dhaawac, Ousmane Dembele oo qaba dhaawac muruqa ah  iyo Jasper Cillessen oo misigta xanuun ka dareemaya.

Kulanka kooxda Barcelona ay caawa booqanayso Villarreal ayaa sida qorshuhu yahay la baasan doonaa 10:30 habeennimo saacadda geeska Afrika.

Haddaba halkaan hoose ka eeg sida ay u muuqanayso shaxda macallin Ernesto Valverde ee Villarreal:-

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close