Sidee ayey u muuqanaysaa SHAXDA ay garoonka ku soo geli doonto kooxda Arsenal kulanka caawa??

(London) 01 Apriil 2019. Waxaa la shaaciyey sida ay u muuqan karto shaxda ay kooxda kubadda cagta Arsenal ku soo geli doonto kulanka caawa ay ka horjeedaan Naadiga Newcastle United.

Naadiga The Gunners lagu naanayso ayaa garoonkeeda Emirates ku soo dhoweynaysa caawa oo Isniin ah Kooxda Newcastle United kulan ka tirsan horyaalka Premier League.

Arsenal ayaa marti gelinaysa caawa naadiga Newcastle United, iyadoo kooxda tababare Unai Emery ay 2-0 uga adkaatay Manchester United ka hor ciyaarihii caalamiga ahaa taasoo keentay inay xakamayso tartanka afarteeda sare ee horyaalka.

Haddii ay Arsenal caawa adkaato kulanka Newcastle waxa ay saldhigan doontaa kaalinta saddexaad ee horyaalka Premier League.

Tababare Emery ayaa shaxdiisa caawa la filayaa inuu ku soo wada bilaabi doono Alexandre Lacazette, Pierre-Emerick Aubameyang iyo Mesut Ozil.

Gunners waxaa ka maqnaanaya kulankan Hector Bellerin oo dhaawac jilibka ah qaba Rob Holding (Jilibka), Danny Welbeck (canqowga) iyo Lucas Torreira oo ganaaxan.

Waxaa kulankan shaki laga galinayaa Arsenal xiddigeeda Aaron Ramsey oo bowdada ka dhaawacan, Nacho Monreal (kubka), Granit Xhaka (bowdada).

Kulanka kooxda Arsenal ay caawa marti gelinayso Newcastle ayaa sida qorshuhu yahay la baasan doonaa 10:00 habeennimo saacadda geeska Afrika.

Haddaba halkaan hoose ka eeg sida ay u muuqanayso shaxda macallin Unai Emery ee Newcastle:-

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close