Saddex ka mid ah xiddigaha kooxda Elman oo looga yeeray xulka qaranka Soomaaliya… + SAWIRRO

(Muqdisho) 01 Apriil 2019. Saddex xiddig oo ka tirsan kooxda kubadda cagta Elman ayaa  looga yeeray xulka qaranka Soomaaliya, kaddib bandhigii quruxda badna ay ka muujiyen kooxdooda kulamadii ay ka dheeshay horyaalka fasal ciyaareedkan.

Xiddigahan looga yeeray xulka qaranka ayaa kala ah Nuur Ibraahim Cali (Towtow), Bile Cilmi Wehliye iyo Anwar Siid Cali (Shakunda), kuwaasoo ka ciyaara boosas kala duwan.

Xulka qaranka Soomaaliya ayaa sanadkan waxa uu ka qeyb gali doonaa tartammo kala duwan ee ka  kala dhici doona Bariga iyo Bartamaha Africa.

Waxaa lagu wadaa inay tababarka si rasmi ah dhowaan ula bilaabaan xulka Qaranka Soomaaliya, waxaana xulka looga yeeray ciyaartooy badan oo kala duwan.

Xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed ayaa dadaallo ugu jira sidii uu xulku ku gaari lahaa guulo wax ku ool ah.

Hadaba ciyaartooydan ayaa la filaa in ay kaalin lixaad leh ka qaadan doonaan kulammada xulka qaranka dalkeena Soomaaliya uu ciyaarayo.

Si kastaba ma’ahan markii ugu horreysay oo ay xidigahan xirtan maaliyada Ocean Stars, iyagoo hore u soo matalay xulka tartammadii uu dheelay.

Haddaba halkaan hoose ka eeg saddexda ciyaaryahan ee kooxda Elman FC ay sanadkan ku yeelatay xulka qaranka Soomaaliya & Boosaska ay ka dheelaan:-

Nuur Ibraahim Cali (Towtow): DAAFAC

Bile Cilmi Wehliye: DAAFAC

Anwar Siid Cali (Shakunda): WEERARKA

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close