Klopp oo ka hadlay dhaawac ka soo gaaray daafaca reer Holand ee Van Dijk, kulankii Tottenham

(England) 01 Abriil 2019. Macalinka reer Germany ee Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhaawac ka soo gaaray daafaca reer Netherland Virgil van Dijk inta uu socday kulankii adkaa ay la ciyaareen kooxda Tottenham Hotspur.

Liverpool ayaa ku gaartay guul 2-1, daqiiqadihii ugu dambeeyay ciyaarta ayaana la arkayay in daafaca birta ah ee Virgil van Dijk uu dareemay xanuun u muuqday inuu soo gaaray dhaawac.

Dhaawacan soo gaaray Virgil van Dijk ayaa ahaa daqiiqadii 85-aad ee ku dhawaad dhamaadka ciyaarta, kadib markii ay isku dhaceen xidiga khadka dhexe kooxda Tottenham ee reer France Moussa Sissoko.

Hadaba macalinka reer Germany ee Jurgen Klopp ayaa ciyaarta kadib ka hadlay xaalada van Dijk wuxuuna yiri:

“Waa inaan sugnaa, waxaan weydiiyay van Dijk inuu dhaawacan yahay iyo inkale, ma garanayo inay ahayd dhaawac ama isku dhac oo kaliya”.

“Wuxuu xiligaas la hadlayay saxaafada isagoo adeegsanaya baraf weyn, waxaan rajeynayaa inuusan ahayn xanuun halis ah”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close