HORDHAC: Arsenal VS Newcastel United ? xogta kulanka iyo xaqiiqooyinka laga diwaan giliyey ciyaarta

( Premier League ) 1 April 2019 Kooxda Arsenal ayaa caawa garoonkeeda  ku marti qaadi doonta koxoda Newcastel United kulan ka tirsan horyaalka Premier League .

Arsenal ayaa maanka ku heysa in guul daro dhabarka loo saariyey kooxda Tottenham misane United ay hadda fadhiso booska afaraad ee kala sareenta horyaalka , waxa ay u baahanyihiin guul si ay u soo gasho booska sedexaad ee jadwalka kala sareenta horyaalka Premier League .

Wararka labada koox ka hor kulanka :

Lucas Torreira ayaa qaab ganaax ku seegaya kulankan halka Granit Xhaka  uu la soo gudboonaaday dhaawac  balse Aaron Ramsey ayaa qarka u saaran in uu kulankan diyaar u noqdo  . Unai Emery waxa uu wajahayaa  musiibo  khadkiisa dhexe .

Nacho Monreal ayaa la tijaabin doonaa ka hor kulanka si loo hubiyo in uu diyaar u yahay kulankan iyo in kale  Emery  waxa uu ka wal wal qabaa in dhaawac hor leh ay soo garaan ciyaartoydiisa madaama ay  labalan sanyihiin kooxda Napoli tartanka Europe League todobaadka soo aadan .

Rob Holding, Danny Welbeck iyo Hector Bellerin ayaa sii wadan doono maqnaashiyahooda madaama ay wali dhaawacanyihiin.

Dhica kale Kooxda  Newcastle United waxaa ka maqan Fabian Schar oo kulankan ganaax ku seegaya wallow xitaa uu la soo gudboonaaday dhaawac intii lagu guda jiray gudashada waajibaadka xulaalka .

Jamaal Lascelles oo shagi laga gilinayo kulankan ayaa la hubin doonaa xaaldiisa caafimaad ,macalinka hogaamiya Newcastel ee Rafa Benitez ayaa kulanka uu soo booqanayo garoonka  Emirates  waxa uu ku soo gali doonaa qaab daafac .

Rob Elliot iyo Sean Longstaff ayaa ka maqnaan doono kooxda martida ah halka  Mohamed Diame iyo Jonjo Shelvey aya isku garbin doonan ku soo bilaabashada khadka dhexe .

Ogeysiiska Ciyaarta :

Kulanka : Arsenal VS Newcastel United ( Premier League )

Goorta : 10:00 oo habeenimo

Goobta : Emirates Stadium

Garsoorka : Anthony Taylor

Xaqiiqooyinka Ciyaarta :

Arsenal ayaa badisay lix kulan oo xiriir ah oo ay ku ciyaartay garoonkeeda   iyaga oo wajahaya kooxda Newcastel United , dhamaan kulamadaas  waa Premier League, waxa ay ku dhaliyeen lixdaas kulan 18-gool halka iyaga laga dhaliyey 5-gool .

Arsenal ayaa badisay 9-kii kulan ee ugu dambeyey ee ay ku ciyaartay garoonkeeda kulamada horyaalka (Premier League). Hadii ay badiyaan caawa waxa ay noqon doontaa in ay badiyeen 10-kulan oo xiriir ah markii ugu horeysay tan iyo  December 1997 ilaa  May 1998.

Arsenal ayaa badisay 11- ka mida 12-kii kulan ee ugu dambeeyey ee ay wajahday kooxda  Newcastle dhamaan tartamada .

Newcastle ayaa guul la’aan ah 7-dii kulan ee ugu dambeeyey ee ay ku ciyaarto meel ka baxsan garoonkeeda kulamada horyaalka  (Premier League).

Newcastle waxa laga dhalinayey labo gool sedexdii kulan ee ugu dambeyey ee ay ka ciyaartay horyaalka (Premier League).

Hadii ay badiyaan Victory would be a 10th in a row at home in the top flight for the first time since a similar sequence from December 1997 to May 1998.

Eeg safafka macquulka ah ka hor kulanka caawa :

 

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close