Arsenal oo soo gashay booska sedexaad ee kala sareenta horyaalka kaddib guul muhiim ah oo ay ka gareen Kooxda Newcastel United +Sawiro

( Premier League ) 1 April 2019 Kooxda Arsenal ayaa guul muhiim ah ka gaartay Kooxda Newcastel United kulan ka tirsanaa horyaalka Premier League , natiijada kulanka ayaana ku idlaaday 2-0 Arsenal ayaana soo xaadirtay booska sedexaad ee jadwalka kala sareenta horyaalka.

Kulan ciyaaredka qeebtiisa koowaad ayaa ku bilowday dar dar xoogan , kooxda Arsenal oo garoonkeeda ku ciyaareysay ayaana ku gacan sareysay ciyaarta qeebteeda  hore .

Qeebtii koowaad ee ciyarta ayaa lagu kala maray 1-0 oo ay ku hogaamineysay kooxda Arsenal wallow aya iska qasaariyeen fursado kale oo gool loo filan karay .

Xidiga Reer Wells ee Aaron Ramsey oo xirnaa calaamada kabtanimo ayaa dhaliyey goolka kooxda Arsenal daqiiqadii 30-aad ee ciyaarta wallow gool hore laga diiday garsoorka ayaana ku tilmaamay goolkaas mid garab dhaaf ah .

Kooxda martida aheyd ee New Castel ayaa abuurtay dhankeeda labo jaanis oo gool loo filan karay balse nasiib daro uma suura gilin in ay gool u badlaaan .

Qeebtii koowaada ee ciyaarta ayaa lagu kala maray gool iyo waxba oo ay Kooxda  Arsenal ku hor kaceyso ,waqti nasiino kaddib waxaa dib loo anba qaaday qeebtii dambe ee ciyaarta oo aheyd mid xiiso badan .

Kooxda Arsenal ayaa sameesay isku dayo badan qeebtii labaad ee ciyaarta balse daafacyada Newxastel ayaa sameyey difaacsho qurux badan , wallow dhankooda ay sameeyeen jaanisyo aan badneen .

Kooxda martida aheyd ayaa cadaadis badan saartay Kooxda Arsenal oo halis ugu jirtay in goolka laga barejeeyo , balse wiilka reer Farnce ee Alexandre Lacazette ayaa niyada ka dilay tageerayaasha kooxda Newcastel kaddib markii u dhaliyey goolkii labaad ee ciyaarta daqiiqadii 83-aad ee ciyaarta .

Ugu dambeen kulan ciyareedka ayaa ku dhamaaday 2-0 oo ay guushu ku raacday Kooxda Gunerrs oo soo gashay booska sedexaad ee  kala sareenta horyaalka Premier League .

Gool FM 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close