Ander Herrera oo la ogaaday mushaarka uu qaadan doono todobaadkii haddii uu sii joogayo Manchester United

(Manchester) 01 Apriil 2019. Ander Herrera ayaa la soo warinayaa inuu isbuucii mushaar ahaan u qaadan doono 200,000 oo gini haddii uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Manchester United.

Laacibka khadka dhexe ee Spain ayaa beeca xorta ah noqon doona muddo saddex bilood ah, sidaas darteedna waxa uu doorbidayaa xulasho kooxo badan oo Yurub ah.

Paris Saint-Germain ayaa la rumeysan yahay inay diyaar u tahay inay wadahadal la furto 29-sano jirkaan, laakiin Jariiradda The Mirror ayaa soo jeedinaysa inuu weli ku qancin karo inuu sii joogo garoonka Old Trafford.

Herrera ayaa sheegay inuu doonayo in loo kordhiyo mushaarkiisa haatan ee kooxda Manchester United haddii uu sii joogayo garoonka Old Traffrod.

Macallinka dhowaan sida joogtada ah loogu magacaabay xilka tababarennimo ee kooxda Man United horraantii bishan ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa taageero u ah Herrera waxaana uu doonayaa inuu heshiis cusub ka saxiixdo, kaasoo uu si joogto ah u isticmaalay bilihii la soo dhaafay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close