Shaxda rasmiga kulanka Premier League ee kooxaha Liverpool iyo Tottenham oo la shaaciyey

(Liverpool) 31 Maarso 2019.  Waxaa la shaaciyey safafka rasmiga ah oo ay garoonka ku so geli doonaan goordhow kooxaha Liverpool iyo Tottenham ee horyaalka Premier League.

Reds ayaa doonaysa inay sii joogteyso tartanka horyaalka Ingiriiska oo ay kula jirto Man City, halka Tottenham ay rabto inay adkeysato kaalinteeda saddexaad si ay ugu dhammaysato afarta sare.

Liverpool ayaa safkeeda hore ee weerarka kulanka ka dhacaya Anfield waxaa hoggaaminaya Salah, Firmino iyo Mane, halka Spurs ay ku soo wada bilowday Dele Alli; Lucas Moura iyo Kane.

Haddaba halkaan hoose ka eeg xiddigaha safka hore ugu soo bilowday labada kooxood:-

Safka hore ee Liverpool: Alisson; Alexander-Arnold, Matip, Van Dijk, Robertson; Henderson, Milner, Wijnaldum; Salah, Firmino, Sadio Mané.

Safka hore ee Tottenham: Lloris; Trippier, Alderweireld, Sánchez, Vertonghen, Rose; Sissoko, Eriksen; Dele Alli; Lucas Moura, Kane.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close