Kooxda Liverpool oo dib ula wareegtay hogaanka horyaalka kaddib guul ay ka gaareen kooxda Tottenham

( Premier League ) 31 Marso 2019 Kooxda Liverpool ayaa guul ay u dhibtootay ka gaartay kooxda Tottenham kulan ka tirsanaa horyaalka Premier League , natiijada kulan ciyareedka ayaana ku dhamaaday 2-2

Kulan ciyaareedka qeebtiisa koowaad ayaa ku soo dhamaaday 1-0 oo ay ku hogaamineyso kooxda Liverpool wallow jaanisyo badan ay iska qasaariyeen labada dhinac.

Kooxda Tottenham oo marti aheyd  ayaa sameesay  shan shuut balse midna ma abaarin goolka kooxda Liverpool , halka kooxda Liverpool dhankeeda ay sameesay shan isku day mid ka mid ayaa gool noqotay .

Laacibka reer Barazil ee Fermino ayaa dhaliyey goolka kooxda Liverpoll daqiiqadii 16-aad ee ciyaarta waxaana goolkaas ka caawiyey dambeedka daafca bidix ee  Andy Robertson.

Willasha kooxda Liverpool ayaa helay fursado kale balse waxa ay ku hungoobeen in ay gool u badalaan , qeebtii koowaad ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 1-0 oo ay ku horkeceyso kooxda Liverpool .

Nasiino kaddib waxaa dib loo anba qaaday qeebtii dambe ee ciyaarta Kooxda Spurs ayaana garoonka la soo gashay dar dar aad u xoogan qeebtii dambe ee ciyaar iyaga oona baadi xoogan u galay goolka bareejada ee ciyaarta .

Tottenham ayaa weerar cir iyo dhul ku qaaday shabaqa kooxda Liverpool iyaga oona ugu dambeen helay goolka bareejada ee ciyaarta waxaana u dhalieyey laacibkooda rere Barazil ee Lucas Mora natiijada ciyaarta ayaan noqotay 1-1.

Taageeryaasha kooxda Liverpool waxaa soo wajahay niyad jab xoogan kaddib markii kooxdooda laga bareejeeyey goolkii ay la hor mareen qeebtii koowaad ee ciyaarta .

Waqtigii dhimashada ee ciyaarta Liverpool waxaa saaciday nasiibka kaddib markii kooxda Tottenham ay iska dhaliyeen gool kam ah waxaa goolkaas iska dhaliyey daafacooda Toby Alderweireld.

Ugu dambeen natiijada ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 2-1 oo ay guushu ku raacday kooxda Liverpool oo dib ula wareegtay hogaanka horyaalka Premier League .

 

Gool FM

 

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close