Kooxaha Barcelona iyo Atletico Madrid oo ku soo biiray doonista mid ka mid ah xiddigaha ka ciyaara horyaalka Premier League

(England) 31 Maarso 2019. Sida wararku ay sheegayaan dambeedka kooxda Leicester City ee Ben Chilwell ayaa waxaa wada doonaya saxiixiisa labada kooxood ee ka dheela horyaalka La Liga ee Barcelona iyo Atletico Madrid.

22-sano jirkaan ayaa ku faraxsan oo waqti wacan ku qaadanaya naadiga Foxes tan iyo markii uu ku soo biiray kooxda koowaad labo xilli ciyaareed ka hor, waxaana haatan uu si joogto ah uga mid yahay xulka qaranka England.

Chilwell ayaa si weyn loola xiriirinayaa inuu ku biirayo kooxda Manchester City suuqa xagaaga, laakiin Jariiradda The Sun ayaa soo jeedinaysa in Citizens ay tartan adag kala kulmayso kooxahan ajaaniibta ah.

Barca iyo Atletico ayaa ugaarsanaya laacibkan ka tirsan kooxda Leicester, waxaana masuuliyiin ka socda labadan kooxood ay daawadeen qaab ciyaareedka ciyaaryahankan kulankii ka dhacay garoonka Wembley todobaadkii la soo dhaafay ee dhexmaray xulalka England iyo Czech Republic.

Chilwell ayaa loo arkaa inuu bedel u yahay Filipe Luis oo jooga Atletico, halka Barcelona ay u baahan tahay laacib tartan galiya Jordi Alba.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close