Afar ka mid ah xiddigaha kooxda Heegan oo looga yeeray xulka qaranka Soomaaliya… + SAWIRRO

(Muqdisho) 31 Maarso 2019. Xiddigo ka tirsan kooxda kubadda cagta Heegan FC ayaa loogu wacay xulka qaranka Soomaaliya, kuwaas oo qaar ka mid ah ay qeyb ka ahaayeen xiddigihii 17-sano jirrada ee gaaray finaal-kii koobkii Cecafa Under U17, kaa oo ka dhacay Wadanka Burundi.

Kooxda ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ku lahaatay xulka qaranka Soomaaliya illaa afar ciyaaryahan oo boosas kala duwan ka ciyaara.

Waxaa lagu wadaa inay tababarka si rasmi ah dhowaan ula bilaabaan xulka Qaranka Soomaaliya, waxaana xulka looga yeeray ciyaartooy badan oo kala duwan.

Xulka qaranka Soomaaliya ayaa sanadkan waxa uu ka qeyb galayaa tartammo kala duwan oo ka kala dhacaya Bariga iyo Bartamaha Africa.

Xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed ayaa dadaallo ugu jira sidii uu xulku ku gaari lahaa guulo wax ku ool ah.

Haddaba halkaan hoose ka eeg afarta ciyaaryahan ee kooxda Heegan FC ay sanadkan ku yeelatay xulka qaranka Soomaaliya & boosaska ay ka dheelaan:-

Mahad Baseey (Khadka Dhexe)

Cumar Qaxtaani (Khadka Dhexe)

Mustaf Nakuja (Goolhaye)

Cali Xabad (Daafac)

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close