Kooxda Man City oo guul muhiim ah ka gaartay kooxda Fullham dibna ugu soo laabatay hoggaanka horyaalka Premier League

( Premier League ) 30 Marso  2019 kooxda Man City ayaa guul muhiim ah ka gaartay kooxda Fullham kulan ka tirsan horyaalka Premier League , kulan ciyareedka ayaana ku soo dhamaaday 2-0 oo ay ku awood sheegatay kooxda Sky Bule .

Kulan ciyareedka qeebtiisa koowaad ayaa la baastay kooxda Man City ayaana la timid labo gool qeebtii koowaad ee ciyaartaba kooxda Fullham ayaa sameesay isku dayo dhowr jeer balse midna gool uma aysan badalin .

Xidiga reer Portugal ee Bernardo Silva ayaa dhaliyey goolka koowaad bilowgii hore ee ciyaartaba kaddb ku bad ay iska qaldeen daafacyada kooxda Fullham waxaana ka caawiyey goolkaas ka caawiyey Sergio Aguero daqiiqadii 5-aad ee ciyaarta .

Daqiiqado kaddib waxa yimid goolkii labaad ee ciyaarta waxaa kooxda Man City goolkaas u keenay lacibkooda reer Argentine e Sergio Aguero kaas oo markiisa caawin ka helay Bernardo Silva oo dhalieyy goolkii koowaad .

Qeebtii koowaad ee kulan ciyareedka ayaa lagu kala nastay 2-0 oo ay ku hogaamineyso kooxda Man City , muddo kaddib waxa dib loo anba qaaday qeebtii dambee ciyaarta oo aheyd mid xiiso badan .

Kulan ciyaareedka qeebtiisa dambe labada koox ayaa soo bandhigay ciyaar aad loo jecleesto wallow ay Man City ku gacan sareysay , kooxda Fullham ayaa ku hungowday in ay iska soo gudaan goolasha deenta ee lagu yeeshay qeebtii hore .

Dhinaca kale kooxda Man City ayaa dhankeeda ku fashilantay in ay gool la yimadaan qeebtii dambe ee ciyaarta Ugu dambeen kulankii xiisaha badnaa ayaa ku soo dhamaaday 2-0 oo ay ku awood sheegatay kooxda Man City.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close