HORDHAC : Manchester United VS Watford ? xidigaha maqan , xogta kulanka iyo safafka macquulka ah

( Premier League )30 Marso 2019 Kooxda Manchester United ayaa garoonkeeda ku soo dhaween doonta kooxda Watford kulan ka tirsan horyaalka Premier League oo maalmihii dambe laga nastay ,

Kooxda Manchester ayaa heleysa war farxad leh oo ku aadan in dhamaan ciyaaryahnadii ka dhawacnaa ay taam buuxa yihiin marka laga reebo Lukaku oo cagta ka dhaawac , geesta kale kooxda Watford ma qabaan wal wal dhaawac waxa ayna heestaan saf xoogan oo ka hor tagi kara Shayaadiinta Cas-Cas.

Mxaa ka cusub labada koox ka hor kulanka :

Macalinka kooxda  Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer oo  ka baxay ku meel gaarnimadii kaddib markii si rasmi ah lowgu magacaabay shaqada kooxda United ayaa tijaabin doono xidigihiisa dib ugu soo laabtay wajibaadka xulalkooda .

Marcus Rashford, Luke Shaw, Nemanja Matic iyo Anthony Martial ayaa dhamaantoodba bad qaba , balse weeraryahankooda  Romelu Lukaku ayaa ay wali ku maqan dhaawan cagta ka soo gaaray .

Xidigihihi hore ee kooxda Manchester haatana ka tirsan kooxda Watford  ee  Tom Cleverley ayaa qaba dhaawac canqowga ah waxa uuna segayaa kulankan .

Jose Holebas  ayaa ka soo laabtay dhaawac fudud oo kasbay in laga saaro ciyaartii ay guusha ka gareen kooxda  Crystal Palace Kulan ka tirsanaa tartanka FA Cup.

Ogeysiiska Ciyaarta :

Kulanka : Manchester United VS Watford (Premier League )

Goobta : Old Traford

Goorta :6:00 oo fiidnimo

Garsoorka : Stuart Attwell

Xaqiiqooyinka ciyaarta laga diwaan giliyey :

Manchester United ayaa badisay  15-kamida 16-kii kulan ee la soo dhaafay oo ay wajhday kooxda Watford dhamaan tartamada , kulanka kale United wax ay la kulantay qasaaro iyada oo lagu ciyaarayey kulankaas garoonka  Vicarage Road ciyaar ku dhamaatay 3-1 oo dhacday bishii September 2016.

Watford ayaa guul la’aan ah dhamaan 11-kulan oo ay booqatay kooxda  Manchester United (2-bareejo iyo 9-qasaaro). Si walba ha ahaatee mar qura ayey Old Traford ku garaacday waxa ayna aheyd ciyaar ka tirsaneed League Cup oo dhacday bishii October 1978.

Marcus Rashford iyo Anthony Martial ayaa wada dhaliyey min sagaal gool xili ciyaareedka horyaalka Premier League halka Romelu Lukaku iyo Paul Pogba ay yihiin xidigaha ku soo xiga xaga gool dhalinta.ma dhicin afar xidig oo ka tirsan Manchester in ay wada dhaliyaan 10-gool ama wax ka badan tan iyo xili ciyareedkii  1995-96 markaas oo xiidgaha kala ah  (Scholes, Cole, Giggs, Cantona) ay wada dhaliyeen 10-gool ama wax ka badan .

Kooxda Manchester United ayaa kaliya labo kulan shabqeeda gool ka ilaasatay xili ciyareedkan kulamda garoonkeeda ee horyaalka Premier League kaliya kooxda Fullham ayaa ka hooseysa oo kulan oo qura shabaqeeda gool u diiday .

Solskjaer  koxda uu hogaamiyo ayaa kaliya badisay labo kulan oo ka mid ah 11-kii kulan ee ugu dambeyey ee ay wajaheen kooxaha aan ka hoos marin ilaa iyo booska sagaalaad (4-bareejo iyo 5-qasaaro ).

Eeg safafka macquul galka ah ee lamaleesan karo in ay ku soo gali karaan :

 

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close