“Aabo maxay tahay Sababta ay u doonayaan inay ku dilaan.”-

(Spain) 30 Maarso 2019. Lionel Messi oo careysan ayaa sheegay in wiilkiisa lix jirka ah ee Thiago uu waydiiyay sababta ay taageerayaasha Argentina u doonayaan inay isaga u dilaan.

Kabtanka Barca ayaa been abuur badan laga sameeyay kaddib markii uu dhaawac uga haray kulankii labaad ee saaxiibtino uu xilkiisa yeelanayay usbuucii tagay.

Messi ayaa aad u carooday balse lama uu yaabana wararka beentga ah ee laga sameeyay taa oo ku aadan in su’aal la galiyay daacadnimadiisa ku aadan xulka Argentina iyadoo ay dadka qaar aaminsan yihiin inuu isagu amro tababarayaasha xulka oo ay ku shaqeeyaan amarkiisa.

“Wiilkeyga Thiago wuxuu markasta daawadaa You Tube wuxuuna arkay muuqaal. Wuxuu i waydiiyay maxay tahay sababta ay dad jooga Argentina u doonayaa inay i dilaan,” 31-jirka ayaa sidaa u sheegay Radio-ga Octubre 94.7 FM.

 Lionel Messi has hit out at criticism he received after he played against Venezuela but missed the Morocco friendly

“Laakiin waxaan jeclahay inaan horey u sii socdo. Weli waxaan doonayaa inaan wax kula guuleysto xulka qaranka.

“Waxaan ciyaari doonaa dhammaan kulamada muhiimka ah. Waxaan horey u gaarnay Finalka koobka adduunka ee 2014, sidaasna uma fududa in Final la gaaro.”.

Messi oo beeninaya inuu isagu doorto macalinka loo dhiibayo xulka Argentina amaba uu ku shaqeeyo go’aamadiisa ayaa yiri.

“Ma doonayo inaan run ka dhigo dhammaan beenta la iga sheegayo.

“Anigu ma go’aansado tababarayaasha xulka qaranka. Waxaan maqlayaa waxyaabahan xun xun wayna adag tahay in lagu raaxeysto waxyaabahaas.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close