Xiddigaha Kooxda Tottenham oo tababarkoodii ugu horreeyey ku qaatay garoonkooda cusub… + SAWIRRO

(London) 29 Maarso 2019. Xiddigaha kooxda kubadda cagta Tottenham Hotspur ayaa tababarkoodii ugu horreeyey ku qaatay garoonkooda cusub.

Garoonka White Hart Lane ee kooxda Spurs ayaa dayactir xoggan iyo ballaarin lagu sameeyey, waxaana xiddigaha kooxdu ay tababarkoodii ugu horreeyey ku qaateen garoonkooda cusub.

Xiddigaha Tottenham ayaa tababarkan isugu diyaarinaya kulanka adag ee Premier League oo ay Liverpool ku booqan doonaan Axadda garoonka Anfield.

Kulanka ugu horreeya kooxda Tottenham waxa ay ciyaar ka tirsan horyaalka Premier League garoonkan cusub 3 bisha April kula ciyaari doontaa dhiggeeda Crystal Palace.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close