Madaxweyne ku xigeenka Barcelona ee Jordi Mestre oo ka hadlay suurtagalnimada ay ku heli karaan Griezmann

(Spain) 29 Maarso 2019. Madaxweyne ku xigeenka kooxda Barcelona Jordi Mestre ayaa ka hadlay wararka ku aadan in Blaugrana ay xiiseeneyso saxiixa xidiga Atletico Madrid ee Antoine Griezmann.

Antoine Griezmann ayay wararku sheegayeen xiliyadii lasoo dhaafay inuu go’aansaday ka tagista kooxda Atletico Madrid, kadib markii ay isaga hareen Champions League, isla markaana uu xiiseenayo ku biirista garoonka Cump Nou.

Hadaba sida laga soo xigtay wargeyska caanka ah “Mundo Deportivo” wareysi uu dhawaantan Jordi Mestre kaga hadlay wararka kooxda Barcelona lala xiriirinayo saxiixa Griezmann.

“Kama hadlayo inuu yahay ciyaaryahan fiican, waxaa soo martay fursad uu kaga mid noqon karay kooxda Barcelona, balse ma uusan imaanin”.

“Kama hadlayo Antoine Griezmann ama ciyaaryahan kale, ma furi doono feylka saxiixyada, ama bixitaanada, waxna ma sameyn doono, sababtoo ah waxaan hada ku mashquulsanahay oo aan ciyaareynaa dhamaan tartamada kala duwan ee aan qeybta ka nahay”.

“Waxaan mar walba isku dayeynaa inaan xiriir wanaagsan la sameyno kooxaha oo dhan, tusaale ahaan waxaan la kulanay tababarayaasha kooxda Ajax xiliyadii ugu dambeeyay, waxaan ula dhaqanay iyaga sidii aan ku sameyn laheyn, dhamaan kooxaha kale ee aan la kulmeyno”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close