“Wali ma jirto cid taqaana meelaha uu ka liito Virgil van Dijk”

(England) 28 Maarso 2019. Laacibka xulka qaranka Holand iyo kooxad Fulham ee Ryan Babel ayaa sheegay hadal layaab leh, kadib markii uu tilmaamay inay jirto meelo uu ka liito daafaca kooxda Liverpool ee Virgil van Dijk  ee aan wali la ogaanin.

Ciyaaryahankii hore ee Southampton ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ka sameeyay kooxda Liverpool tan iyo imaatinkiisa, wuxuuna si weyn kaga caawiyay inay si adag kula dagaalamaan Manchester City ku guuleysiga horyaalka Premier League.

Image result for van dijk and Ryan Babel

Si lamid ah Liverpool ayaa awooday inay qeyb ka noqoto xili ciyaareedkan kooxaha qeybta ka ah wareega siddeed dhamaadka ee tartanka Champions League, iyagoo kula ciyaari doona kooxda reer Portugal ee Porto.

Hadaba Ryan Babel oo haatan da’adiisu gaarsiisan tahay 32 jir ayaa wareysi uu dhawaan bxiyay wuxuu kaga hadlay inay jirto meelo uu ka liito Virgil van Dijk, taasoo aan horey loo ogaanin.

“Van Dijk wuxuu leeyahay meelo uu tacbaan ka yahay, mana doonayo inaan sheego waxa ay yihiin”.

“Uma maleynayo inay jirto qof ka war qabta”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close