DEG DEG: Solskjaer oo si Rasmi ah loogu magacaabay Tababaraha Man United….(Imise Sano ayuu saxiixay?)

(Manchester) 28 Maarso 2019. Manchester United ayaa ku meel gaarnimada ka saartay Solskjaer iyadoona xilka si rasmi ah ugu aamintay macalinka reer Norway.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa laga adkaan waayay 10-kulan uu Premier League ku hogaamiyay Red Devils iyadoo uu hal kulan oo qura bar baro galay, taa oo keentay in xilka si rasmi ah loogu dhiibo.

Kooxda ka arrmisa Old Trafford ayaa heshiis saddex sano ah la gaartay Solskjaer kaa oo xilka ka dhaxlay Jose Mourinho.

Waxaa meesha ka baxay wararkii xanta ahaa ee shegayay in macalinka Tottenham Mauricio Pochettino loo dhiibi doono xilka Man United.

“Tani waa shaqada aan had iyo jeer ku riyoon jiray aad ayaan ugu faraxsanahay inaan helo fursada aan waqti dheer ku hogaamiyay kooxda,”. Solskjaer ayaa sidaa yiri.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close