Sergio Ramos oo xalay barbareeyey goolhaye Iker Casillas

(Madrid) 27 Maarso 2019. Kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa xalay barbareeyey goolhaye Iker Casillas.

Xulka qaranka Spain ayaa xalay u martiyey Malta kulan ka tirsan isreeb-reebka Euro 2020, waxaana ay ku adkaadeen La Roja labo gool oo uu kala dhaliyey labadii qeybood ee ciyaarta weeraryahan Alvaro Morata.

Kulankan waxaa ku soo bilowday ciyaaryahan Sergio Ramos isagoo barbareeyey rikoorka guulaha xulka goolhayaha reer Spain ee Iker Casillas.

Casillas ayaa ahaa xiddiga xulka qaranka Spain la gaaray guulaha ugu badan laakiin haatan waxaa barbareeyey Sergio Ramos oo isna noqday ciyaaryahanka ugu guulaha badan xulka La Roja.

Sergio Ramos iyo goolhaye Iker Casillas ayaa haatan ah labada xiddig ee ugu guulaha badan xulka qaranka Spain waxaana ay guulo la gaareen xulka min 121 kulan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close