Qawaarka Quagliarella oo Taariikh cusub u dhigay xulka Talyaaniga…..(EEG LIISKA)

(Italy) 27 Maarso 2019. Qawaarka Quagliarella ayaa taariikh cusub u dhigay xulka qaranka Talyaaniga kaddib gool uu u dhaliyay ciyaartii ay dhawaan ka adkaadeen Xulka Liechtenstein isreeb reebka Koobka Qaramada Yurub ee 2020.

Dhaliyaha naadiga Sampdoria oo hogaaminaya gool dhalinta horyaalka Serie A ee kal ciyaareedkan 21-gool ayaa noqday laacibkii ugu da’da waynaa taariikhda ee gool u dhaliya xulka Talyaaniga.

Quagliarella ayaa gool rigoore ah u dhaliyay xulkiisa daqiiqadii 35-aad waxayna ka dhigan tahay inuu noqday da’yarkii ugu waynaa ee gool u dhaliyo xulka lagu naaneyso Azzurri 36-sano iyo 54-maalmood.

Halkan ka EEG Liiska xiddigaha ugu da’da wayn ee gool u dhaliyay xulka Talyaaniga:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close