Manchester United oo daawatay xiddig ka tirsan kooxda Barcelona intii lagu guda jiray ciyaaraha caalamiga ah

(Manchester) 27 Maarso 2019. Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa soo warinayaa in rag ka socda ay xaadireen garoonka Stade de France si ay u soo daawadaan difaaca naadiga Barcelona ee Samuel Umtiti kulankii xulkiisa France uu la ciyaaray Iceland ee Euro 2020.

Red Devils ayaa difaac dhexe oo cusub suuqa ka doonaysay sanadihii la soo dhaafay, Umtiti ayaana la rumeysan yahay inuu yahay bartilmaameedkooda ugu sarreeya.

Barca ayaa u muuqata inay doonayso inay lacag kaash ah ku hesho Umtiti, si ay lacag ugu soo qaadato daafaca dhexe ee kooxda Ajax, Matthijs de Ligt iyadoo la filayo inay ku filan tahay dalab 72 milyan oo gini ah.

Wargeyska Daily Mail ayaa warinaya in Man United ayaa kor u qaadday xiisahooda ay u qabaan xiddigan reer France, iyagoo daawaday kulankii dhowaa oo uu xulkiisa qaranku 4-0 ku badiyay ciyaartaasoo Isniintii ka dhacay Magaalada Paris.

Umtiti kaasoo dhaliyey goolkii furitaanka xulkiisa ee ciyaartaas isreeb-reebka ahayd ayaa dhowaan la wariyey inuu shaki ku jiro mustaqbalkiisa kooxda, isla markaana la filayo inuu ka tagayo Barcelona, laakiin waxa uu haystaa weli heshiis afar sanadood ah oo kaga harsan qandaraaskiisa oo uu saxiixay xagaagii la soo dhaafay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close