Ciyaaryahan wayn oo soo ISLAAMAY, halka laacib kale oo Muslim ahaa ay Hooyadii soo islaamtay

(Christchurch) 27 Maarso 2019. Kaddib dhacdadii foosha xumeyd ee xasuuqa loogu geystay Muslimiin ku cibaadeysanaysa Masjid ku yiilay magaalada Christchurch ee dalka New Zealand ayaa waxaa soo islaamay laacib wayn oo caan ah oo u ciyaara xulka qaranka New Zealand ee ciyaaraha Rugby.

Ofa Tu’ungafasi oo asal ahaan ka soo jeeda Tonga ayaa soo islaamay kaddib markii uu booqday Isbitaalada ay ku jireen Muslimiintii ka soo bad-baaday xasuuqii Jimcaha loogu geystay Masjid iyagoo ku cibaadeysanaya.

Sonny Bill Williams oo isna ka tirsan xulka qaranka New Zealand ee Rugby oo heystay diinta Islaamka ayaa aad ugu farxay inay soo islaamtay Hooyadii.

Tokeo la picha la NZ Rugby Player Ofa Tu’ungafasi
Waa ciyaaryahanka soo Islaamay ee Ofa Tu’ungafasi

John Fontain oo arrimo bani’aadamnimo u jooga dalkaasi ayaa arrinkan farxada leh ku shaaciyay boggiisa Facebook iyo Twitter:

“ALLAAHU AKBAR, maanta waxaa soo islaamay oo diinta islaamka qaatay Sonny Bill William hooyadii iyo waliba saaxiibkii ay isku kooxda yihiin Ofa Tu’ungafasi. Ilaah ha u fududeeyo Jannatul Firdoos-na ha ugu deeqo,”.

Tokeo la picha la Ofa Tu’ungafasi with Sonny Bill Williams

Waa Ciyaaryahanka Muslimka ahaa oo ay Hooyadii soo islaamtay Sonny Bill WilliamPicha inayohusiana

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close