Sergio Aguero walaalkii oo soo Shirqoolay Gabar yar si uu Saaxiibkii u Kufsado………!!!!!!

(Buenos Aires) 26 Maarso 2019. Booliska ayaa xiray xiddiga la dhashay Sergio Aguero ee lagu magacaabo Gaston Alexander del Castillo 21-jir kaddib markii uu gabar soo shukaamiyay si uu saaxiibkii u kufsado.

Sida ay sheegayaan warar laga helayo Argentina Aguero walaalkii ayaa la xiray kaddib markii uu gabar 20-jir ah ku balamiyay guriga saaxiibkii oo ku yiilay caasimada dalkaas ee Buenos Aires halkaa oo gabarta lagu kufsaday.

Gabarta dhibanaha ah ayaa marka hore heshiis la gaartay Castillo oo ay wax u ogoleyd, iyagoona ku heshiiyay qol mugdi ah oo leerarka laga baqtiijiyay.

 Gaston Alexander del Castillo is out of contract at the moment

Haseyeeshee, markii ay bannaanka u soo baxday ayay ogaatay in nin kale u tagay isla markaana uusan ahayn kii ay isa soo shukaansadeen.

Gabadha 20-jirka ayaa intaa kaddib qeylo dheer ku dhufatay iyadoona u yeertay Booliska.

Ninka uu Castillo u shirqoolay gabarta ayaa 33-jir ah waxaana magaciisa lagu soo koobay HR.

 Gaston Alexander del Castillo is Sergio Aguero's brother

Booliska ayaa xiray Aguero walaalkii Castillo iyo waliba HR.

Gaston Alexander del Castillo ayaa iminka ka tirsan kooxda Arsenal ee dalka Argentina isagoona amaah uga soo tagay Independiente, wuxuu sidoo kale u soo ciyaaray kooxda reer Spain Cadiz iyo waliba kooxdii hore ee Lionel Messi Newell’s Old Boys.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close