“Mané wuxuu ka faa’ideysanayaa xaalada uu ku jiro Maxamed Saalax” – Gary Neville

(England) 26 Maarso 2019. Halyeeyga kooxda Manchester United ee Gary Neville ayaa ka hadlay hoos u dhaca ku yimid xili ciyaareedkan xidiga xulka qaranka Masar iyo Liverpool ee Maxamed Saalax.

Gary Neville ayaa wareysi uu dhawaan arintan kaga hadlay wuxuu ku sheegay:

“Waxaa hoos u dhac ku yimid rabitaanka Saalax ee xili ciyaareedkan”.

“Waxa ku dhacay Maxamed Saalax, waa sirta ka dambeysa in Sadio Mané uu dhaliyo goolal fara badan xili ciyaareedkan, sababtoo ah diirad saarida xoogan ee Saalax waxay xurnimo siineysaa saaxiibkiis kula sugan gudaha garoonka”.

“Daafacyada ugu fiican horyaalka Premier League, waxaa ku adkaan doonta inay joojiyaan xidiga reer Masar, sababtoo ah waa ciyaaryahan heer caalami ah”.

“Saalax wuxuu awood u leeyahay inuu ka soo galo dhinaca garabka midig ee weerarka, inkastoo difaacyadu ay wacyi galinayaan qaybtan, sababtoo ah waxaa ku adkaan doonta inay joojiyaan”.

“Saalax wuxuu leeyahay tayo sare uu ku go’aamin karo goolka hortiis, sidaas daraadeed Liverpool nasiib ayay u leedahay inay heysato ciyaaryahan isaga oo kale ah”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close