Manchester United oo ka mid ah afar kooxood oo wada doonaya saxiixa  xiddiga Real Madrid ee Raphael Varane

(Manchester) 26 Maarso 2019. Difaaca kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Raphael Varane ayaa la soo warinayaa inuu bartilmaameed u yahay afar kooxood oo waa weyn marka albaabada loo furo suuqa kala iibsiga xiddigaha xagaagan.

Varane ayaa haatan ku jira xilli ciyaareedkiisii 8-aad ee Bernabeu, laakiin waxaa la soo jeediyay in 25-sano jirkaan uu diyaar u yahay inuu ciyaaro tartan cusub.

Manchester United ayaa si weyn loola xiriirinayaa xiddigan reer France, laakiin warsidaha Sport ayaa warinaya in kooxda ka dheesha horyaalka Premier League ay wajahayso tartan ay kala kulmayso qaarkood kooxo waa weyn oo ay ku xafiiltamaan qaaradda Yurub.

Wararku waxa ay intaa ku darayaan in kooxaha Paris Saint-Germain, Juventus iyo Bayern Munich dhammaantood ay la soconayaan xaaladda xiddigan oo ay doonayaan inay soo xero-gelintiisa u dhaqaaqaan dhammaadka xilli ciyaareekan.

Varane kaasoo weli gacanta ku haysta heshiis saddex sanadood ah oo uga harsan qandaraaskiisa ayaa hoos u dhigay wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya in laga yaabo inuu ka tago kooxda Real Madrid.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close